|
Side baan ku helaa biin dheeraad ah ama biin balaaran?
|
|
Si aad u codsatid biin xajmigiisu balaaran yahay ama yar yahay ama mid dheeraad ah, buuxi foomka Codsiga Adeega Waste waxaanad noogu soo celisaa boosta, fakis ama keen mid ka mid ah Xarumaha Adeega Macaamiisha. Haddii aad jeclaan lahayd foomka Codsiga Adeega Qashinka in laguu soo diro naga soo wac 9205 2200.
|
|
Ururinta qashinka adag
|
|
Waxaan bixinaa dhammaan adeega qashinka adag oo bilaash ah ee guryaha Hume oo dhan. Tan micnaheedu waxaa weeye waxaan imaan karnaa gurigaaga waxaana qaadeynaa alaabta waa weyn ee aan geli karin biinka qashinka. Si aad u balansatid in lagaa qaado qashinka adag ee waaweyn ama inaad hesho wax saa'id ah, ka waca Golaha 9205 2200. ( Fadlan ogow, haddii dadkii hore ee ku jiray ay isticmaaleen intii aad xaqa u lahayd ee guri ahaan qashinka adag in lagaa qaado, waxaa laga yaabaa inaad sugto ilaa sannadka dambe ururinta qashinka adag).
|
|
Alaabta la aqbalo in la qaado waxaa ka mid ah:
|
|
-alaabta guriga, qalabka iyo alaabta lagu ciyaaro
|
|
-khadiifada, la laalaabey oo laysku xiray, alaabta guriga laga isticmaalo iyo mukeefyada.
|
|
Biraha xumaaday, qalabka iyo alaabta la adeegsado, oo ay ka mid yihiin alaabta baabuurta, mishiinka cawska lagu jaro, saqafka simida iyo biraha kale.
|
|
-jiingada galaaska ah, muraayada iyo muraayada gaadhiga
|
|
-dheriyada, mutuleelka iyo alaabta shiineyska ah joodariyada iyo sagxada hoose ee sariiraha
|
|
-noocyada baabuurta iyo deyrarka oo qayb qayb laysugu xirey.
|
|
Adeegyada waxyaalaha dhulka buuxinaya (Landfill) iyo xarumaha dib u hagaajinta.
|
|
Waxaan leenahay laba goobood oo alaabada xumaata lagu tuuro (tips) oo loogu talagalay deganayaasha iyo dadka booqashada ah, halkaas oo aad ku tuuri kartid qashinka guriga adoo lacag ujro ah iska bixinaya. Si kastaba ha ahaatee, ma ogeyd inaad sidoo kale ku tuuri karto alaabo fara badan oo dib loo hagaajin karo loona isticmaali karo si bilaash ah? Goobahan mid kasta oo ka mid ah, waxaad keeni kartaa alaabta guriga ama kiimikada jardiinka, rinjiga, taayarada, bayteriyada, waxyaalaha xumaada ee jardiinka sida laamaha iyo caleenta iyo xitaa birta la xoorayo.
|
|
Goobaha:
|
|
Resource Recovery Centre Campbellfield, Bolinda Road (Melways 7 H8)
|
|
Taleefanka: 9359 3813 saacadaha uu furan yahay: 8.00subaxnimo - 4.00galabnimo (7 maalmood)
|
|
Waa xiran yahay maalinta Anzac Day, Good Friday, Christmas iyo Sannadka Cusub.
|
|
Council Landfill (Tip) Sunbury, Riddell Road (Melways 361 D8)
|
|
Taleefanka: 9744 2974 saacadaha uu furan yahay: 8.00subaxnimo - 4.00galabnimo (7 maalmood)
|
|
Wuxuu xiran yahay Anzac Day, Good Friday, Christmas iyo Sannadka Cusub.
|
|
Maalmaha geedaha la shiido
|
|
Goluhu wuxuu ku qabtaa maalmaha geedaha la shiido oo bilaash ah baaggaga. Maalinta geedka la shiido waa markaad noo keeni karto laamaha geedaha ama kuwa yar yar si laguugo shiido. Guriga iyo jardiinkaaga ayaad u qaadan kartaa geedka la shiiday si bilaash ah, ama waad ka tegi kartaa.
|