Muxuu qabtaa Golaha Magaalada Hume?

Muxuu qabtaa Golaha Magaalada Hume?

Golaha Magaalada Hume waa ha'yada dawlada hoose ee Magaalada Hume. Golayaasha dawlada hoose waxay dhawraan goobta aad degan tahay waxayna u qabtaan adeegyada bulshada oo tayo leh, tasiilaad iyo barnaamijyo iyo inay dayactiraan wadooyinkeena xaafada, marshabiyeediga, garoonada ciyaarta iyo baaggaga.

Qaar ka mid ah adeegyadayada waxaa ka mid ah:

  • ururinta qashinka iyo dib u hagaajinta
  • xarumaha caafimaadka carruurta iyo tallaalka
  • xannaanada carruurta iyo dugsiga ka hor (kindhada)
  • xannaanada dugsiga ka hor iyo ka dib iyo fasaxa
  • adeegyada dadka dhalinyarada ah
  • adeegyada dadka da'da ah ee guriga in laga tageero u baahan
  • dayactirka guriga iyo cunta loo geeyo dadka da'da ah
  • diiwaangelinta xayaawaanka la korsado iyo qalabka michochip ka xirida
  • baaggaga iyo garoomada ciyaarta
  • wadooyinka, marshabiyoodka iyo tuunbooyinka bulaacadaha qaada
  • Goobaha Jimicsiga iyo berkadaha dabaasha

Doorka Xubnaha

Golaha Magaalada Hume, waxaa jira sagaal Xubnood oo la doortay, oo ku jiro Duqa Magaalada. Xubnaha waxaa la doortaa afartii sannoba mar Magaalada Hume waxay u qaybsan tahay afar ward oo ah Aitken, Meadow Valley iyo Jacksons Creek.

Xubnaheena Golaha waxay ka ciyaaraan door muhiim ah oo ah hubinta inaan qorshe u sameysano mustaqbalka oo aan go'aansano waxaan qaban doono. Maadaama ay yihiin wakiilada bulshada ee la soo doortay, waxay ku lug leeyihiin ka shaqeynta ahmiyad kala siinta iyo dejinta jiho istaraatiiji ah. Waxaan qabanaa kulamada Golaha ee dadweynaha laba jeer bishii, badanaa Isniinaha.

Ka coddeynta doorashooyinka

Haddii aad ka soo guurtay degaan dawlad hoose oo kale ama aad tahay muwaadin australiyaan ah oo cusub, waxaa laga yaabaa inaadan u diiwaangashaneyn ka caddeynta Golaha Magaalada Hume ee doorashada Dawlada hoose. Waxaad u baahan doontaa inaad ku soo wareejisid magacaaga Diiwaanka Coddeynta ee Golaha Magaalada Hume. Si aad taas u sameysid, fadlan taleefan kulaxiriir Guddiga Doorashada ee Fiktooriya 1318 32 ama gal website kooda www.vec.vic.gov.au ( xiriirka website ka baannaanka )

Sidee baan ku noqdaa Muwaadin Australiyaan ah?

La xiriir Wasaaradda Dhalashada iyo Socdaalka 131 880 ama gal www.citizenship.gov.au/applying/ ( xiriirka website ka baannaanka ).


Updated : 12:34 PM, 26 October 2012

Related Links

What's Near Me?